Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay xerada Damaanyo ee magaaladda Muqdisho, halkaasoo boqolaal dhalinyaro ah safaf ugu jireen in loo qoro ciidanka dowladda Federaalka.

Qaraxa wuxuu ahaa mid culus, oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo caasimada kamid ah, iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka [Ambulance] oo dhaawacyada u qaadey isbitaallada Muqdisho.

Khasaare dhaawac oo illaa 20gaaraya, ayaa lasoo sheegay inkasoo tirada aan la ogeyn, maadaama dowladda, gaar ahaan Wasaaradda difaaca ay ka aamusatay, oo illaa haddana warbaahinta qaranka ka hadlin dhacdadan weerarka ah ee lagu qaadey xerada Damaanyo.

Lama oga sida ugu suurtagashay ninka isku soo xiray walxaha qarxa inuu gudaha xerada galo, laakiin waxaa horey loo arkay weeraro noocan ah oo saldhiyada Ciidanka dhexdooda ka dhaceen, oo lagu laayay askar iyo Saraakiil Militeri iyo boolis.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM