Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay xerada Damaanyo ee magaaladda Muqdisho, halkaasoo boqolaal dhalinyaro ah safaf ugu jireen in loo qoro ciidanka dowladda Federaalka.

Qaraxa wuxuu ahaa mid culus, oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo caasimada kamid ah, iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka [Ambulance] oo dhaawacyada u qaadey isbitaallada Muqdisho.

Khasaare dhaawac oo illaa 20gaaraya, ayaa lasoo sheegay inkasoo tirada aan la ogeyn, maadaama dowladda, gaar ahaan Wasaaradda difaaca ay ka aamusatay, oo illaa haddana warbaahinta qaranka ka hadlin dhacdadan weerarka ah ee lagu qaadey xerada Damaanyo.

Lama oga sida ugu suurtagashay ninka isku soo xiray walxaha qarxa inuu gudaha xerada galo, laakiin waxaa horey loo arkay weeraro noocan ah oo saldhiyada Ciidanka dhexdooda ka dhaceen, oo lagu laayay askar iyo Saraakiil Militeri iyo boolis.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM