Fahfaahinada is-burinaya ee ku xeeran dhimashada Cali Khaliif Galeyr

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Ra'iisul wasaarihii 8aad ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeyr, ayaa isagoo 78-jir ah wuxuu Khamiistii – 8-da October, 2020 – uu ku geeriyooday magaala madaxda Kalinka Shanaad ee Jigjiga.

Fahfaahino is-burinaya oo kala duwan ayaa laga faafiyey sababta uu u dhintay siyaasiga. Dr Cabdiqaadir Ibraahim Aadan oo latacaalayey xaaladiisa iyo jabhada ONLF waxay sheegeen "in uu qoonsaday raashiin uu cunay".

"Odayga [Cali Khaliif Galayr] cunto ayaa lagu sumeeyay baa la yiri; waa shubmay, wuu matagay, wuu qandhaday jirkiisa wuu isbedelay. Jimcadii bay bilaabatay howshaasi," ayuu yiri Cadaani Hirmooge, afhayeenka ONLF.

Saacado kadib shaacintaas, xukuumadda dowlad degaanka ee uu hogaamiyo Mustafa Muxumed Cagjar oo warisay in ay baaritaan ku sameysay meydka marxuumka ayaa tibaaxdey in uu u dhintay safmarka Covid-19.

Mukhtaar Yuusuf, wasiir ku xigeenka caafimaad kaasoo ay hareerahiisa joogeen mas'uuliyiin kale oo maamulka kamid ah, ayaa ku adkeystay in baaritaanka ay sameeyeen hay'adaha caafimaadka gobolka iyo federaalka.

Hayeeshee, ma jirto dhinac madax-banaan oo xaqiijiyey xanuunka dhabta ah ee uu u dhintay siyaasiga, taasoo ay muuqaneyso baahida loo qabo si meesha uga baxo tuhunka xoogeystay markii warar is-burinaya soo baxeen.

Dowladda Soomaaliya oo iclaamisay in ay Aas Qaran ugu sameyneyso Muqdisho ayaan soo hadal-qaadin suuragalnimada in ay baareyso meydka si ay u hubiso sababta geerida deg-deg ah ugu timid marxuum Cali Galeydh.

Galeyr oo markii ugu dambeysay ee saxaafada uu kasoo muuqdo ay ahayd bishii hore ayaa wareysi uu bixiyey ku adkeeyay midnimada Soomaaliya iyo qabashada shir aaya-ka-tashi ah oo qadiyada maamulka Khaatumo daaran.

Mudadii uu wareysiga socday, Galeyr oo mudadii uu ra'iisul wasaaraha ahaa ay xukuumadiisa ciidanka Itoobiya ka saartey gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen 1996 illaa 2000 ayaan u muuqan shaqsi dareemaya caafimaad darro.

Inkasta oo qadarta EBBE ay mudan tahay in la xuso, haddana hab-maamuuska caalamka isku waafaqsan yahay waa in hubin dheeraad ah lagu sameeyo marka madaxda ay ku timaado geeri deg-deg ah ama mid iska caadiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM