Falcelin xooggan oo ka dhalatay guusha Aadan Madoobe

Image
Madaxda dowladda iyo mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan ugu dabaaldegay doorashada guddoonka Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Dowalad-goboleedyada, midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiin kale ayaa soo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii lasoo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo." ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Faceebook, ku yiri "Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho. Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka".

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa iyaguna soo dhaweeyay doorashada guddoomaha cusub ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri” Waxaan u hambalyeeynaya Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka JFS Mudane  Shiikh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe), waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday xilli uu dalkeenu u baahanyahay in laga gudbiyo marxalad adag”.

Deni ayaa hadalkiisa raaciyay “Caawa waa habeen ku weyn ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, waxaana rajaynayaa isbedelka ka dhacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, in uu bar-bilow u noqdo isbedel guud oo dalkan samatabixiya”

 "Waxaan hambalyo u dirayaa Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee BFS. Waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan Xildhibaanada BFS oo juhdi badan ku bixiyay sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan rasmi ah oo dalka ka saara xaaladdan kalaguurka" ayuu madaxweynaha Galmudug ku yiri qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook.

Cabdicasiis Laftagareen hogaamiyaha Koofur Galbeed ayaa dhankiisa Qoraal ku yiri” Waxaan Hambaliyo leeyahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Waxaan Rabi uga barinayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay.

Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhankiisa u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka.

“Hambalyo Sheikh Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) oo Caawa loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka 11aad ee JFS. waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee Saacadaha dheer u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen hogaanka rasmiga ah ee golaha shacabka Baarlamanka JFS” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa dhankiisa u dabaal dagay Guusha Sheekh Aadan.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Walaalkay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo caawa loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka BJFS  waxaana u rajeeynayaa inuu Allaah u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo doortay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Dhanka kale musharixiinta mucaaradka ah oo ku jiraan madaxweyne yaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo siyaasiyiin kale ayaa soo dhaweeyay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM