Falcelinta go’aankii Fahad Yaasiin lagaga reebey Liiska xildhibaanda

Image

MUQDISHO- Warqad kasoo baxday gudoomiyaha gudiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT, Muuse Geelle Yussuf ayaa xilka looga qaaday xoghayihii guddiga, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadam waxaana warqadda lagu xusay in xoghayaha carqalad uu ku waday hanaanka geedi socodka doorashada golaha shacabka isla markaana illaa seddex jeer loo diray digniino.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli xoghaya uu xaley beeniyey warqad kasoo baxday Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, taas oo looga reebay kursiga sumadiisu tahay HOP086 kaas oo uu soo qaatay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xoghaya xilka laga qaaday ayaa  sheegay in ay been tahay warqadda looga reebay Fahad Yaasiin xildhibaanada ka imaanaya maamulka Hirshabeele.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga diidey illaa saddex kursi oo ay soo gudbiyeen waxaana ka mid ahaa kursiga HOP103 oo laga boobay gudoomihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, HOP204 oo laga hor istaagay Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee Xukuumada Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Jaamac iyo kursiga muranka da’da qofkii milxiiska u ahaa lagu haysto ee HOP154 oo ay kusoo laabatay xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla.

Muuqaal laga duubay xoghayaha oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay ayaa waxuu yiri, “Annagoo ah Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal (FEIT), waxaan u cadeyneynaa xafiisyada aan kor kusoo sheegnay in aysan jirin liis rasmi ah oo xildhibaanada la doortay ah oo Guddiga kasoo baxay, Guddigana uu wali ku hawlan yahay ururinta xogta dhammaan xildhibaanada la doortay ee labada aqal, waxaan cadeyneynaa in liiskaas uusan Guddiga kasoo bixin.”

Dhinaca kale Hirshabeele ayaa diidey go'aanka Fahad Yaasiin kursiga uu soo qaatey lagaga reebey liiskaan.

Villa Somalia, xafiiska Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ayaa cadaadis ba'an ku hayey saacadihii la soo dhaafey iney diidaan go'aanka guddiga doorashada Federaalka ah.

Fahad Yaasiin ayaa aad u doonaya xubinada xildhibaanka si uu halkaas gabaad ugu noqoto halka warar kale sheegayaan inuu qorsheynayo damaciisa ah noqoshada gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa ilaa bisha April 14 u qabtey xildhibanada cusub in la soo dhameystiri doono is-diwaan galinta iyo Shahaado siintooda. 

GAROWE ON-LINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM