Farmaajo iyo Fahad oo lagu dacweeyay maxkamada ICC

Image
Xulafada Qadar ayaa loo haystaa dhibaatooyinkii ay ka geysteen Muqdisho shantii sano ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Korney Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Jubbaland, horayna loogu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga Muqdisho uu maxkamad caalami ah kula tiigsanayo Farmaajo iyo saraakiishii u qaabilsaneed sirdoonka.

Cabdullahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab oo dhamaantood ahaa saraakiishii NISA ee xabsiga ku dhibaateysay ninkaan uu ku dacweeyey maxkamadda dembiyada adduunka ee ICC.

Sarkaalkaan ayaa horay muuqaaladiisa loogu baahiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi, isagoo ka sheekeynaya tacadiyadii ay NISA ugu geysatay godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lugaha uu ka naafoobay.

Sidoo kale Korneyl Cabdullahi wuxuu sheegay in qorshihii koowaad ee maxkamadda ICC uu cadeymaha dhibaatadii loo geystay ugu gudbilahaa uu meel fiican u marayo.

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta qaar ayuu uga mahad celiyey inay ku garab istaageen, sidii uu cadaalad u heli lahaa, isagoo Allaah naxariistiisa uga baryey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka balan qaaday inay baarlamaanka cusub hor geyn doonto kiiskiisa.

Cabdullaahi Nasri ayaa sidoo kale sheegay in safaarado badan oo reer Galbeed ah ay la soo xariireen oo uu la kulmay, “Waxaan ka codsaday inay cadaaladda igu garab istaagaan, anigoo sarkaal Soomaaliyeed ah oo la igu dhibaateeyey awoodii dowladnimada ay ayagu taageeraan.” Ayuu yiri Cabdullaahi Nasri.

Cabdullaahi Nasri, oo ka soo muuqday bogga Hanoolaato horaantii sanadkaan ka sheekeeyay tacadiyo ay u gaysatay hay’adda NISA oo ka dalbatay duminta maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo ay qaraabo yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM