Farmaajo oo amray dhaarinta guddi lagu muransan yahay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa amray dhaarinta guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo sharciyadiisa ay ka taagan tahay muran aad u xoogan.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Farmaajo oo wajahaya cadaadis gudaha iyo dibada kuna saabsan in dalka ku hogaamiyo doorasho hufan ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goobjoog u ahaa Munaasabadda Dhaarinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, isaga oo muujiyey muhiimadda uu Guddigu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed si loo hirgeliyo hannaanka isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadeed ee Dalka".

"Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna," ayay xuseen.

War-saxaafadeedka ayaa ku daray: "Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed".

"Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Caddaaladda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi," ayaa lagu soo xiray.

Guddigan waxaa horey u meelmarisay xukuumadda xilgaarsiinta, waxaana mucaaradka iyo sharci-yaqaano ay u sheegeen in aan loo marin habraaca saxda ah dowlada waqtiga ka dhacay aysan dhisi karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM