Farmaajo oo bilaabay olole uu ku dhaqayo lacag taala Muqdisho

Image
Mashruucaan boor-isku-qarinta ah ayaa si dadka loo marin-habaabiyo loogu sameeyay ciwaan qaldan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in ololaha kooxda Farmaajo ku tilmaameen in ay dadweynaha uga uruurinayaan lacag guri loogu dhisayo madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya uu yahay "mid lacag taala Muqdisho lagu dhaqayo".

Illo xog-ogaal ah ayaa GO u sheegey iney magaalada Muqdisho lagu hayo lacag farabadan taas oo loogu talagalay in lagu bixiyo doorashadii Madaxweyne ee 15 May ka dhacdey Muqdisho balse aan la isticmaalin. 

Xogtaan ayaa sheegeysa in barnaamijkaan lacag ururinta loo isticmaalayo in lagu sharciyeeyo lacagahaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.

Mashruucaan boor-isku-qarinta ah ayaa kusoo hagaagay xilli dalka oo dhan ay ka jirto abaar-saameysay dad iyo duunyo. Dadka dhaliilaya ololahan waxay ku sifeeyeen mid curyaaminaya dadaaladda dowladda ee loogu gurmanayo dadkan tabaaleysan.

Ergayga abaaraha ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ku dhowaad 8 milyan oo ruux ay saameysay abaarta isaga oo intaas ku daray in in ka badan 200-kun kamid ah dadkaas ay aad ugu nugul yihiin macluul.

"Waxaa xusid mudan in aan nahay adeegayaal shacab, mana jirto baahi ka wayn ama mudnaan maanta ka saraysa gurmadka abaaraha," ayuu Warsame yiri kadib markii loo magacaabay xilkan "si mutadhawacnimo ah" 24-tii bishii hore ee May, 2022-dii.

Ololaha ay ka dhinac-bilaabeen nidaamkii Farmaajo barnaamijka gurmadka abaaraha ayaa dadka daneeya siyaasadda waxay ku qeexeen mid dadka looga mashquulinayo in ay diiradda saaraan u gurmashadda walaalahooda dhibaateysan taasoo keeni karta cawaaqib-xumo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM