Farmaajo oo direy Tacsi aan looga baran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa usoo tacsiyeysay wiil dhalinyaro ah oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamuud Shidane asagoo caan ku ahaa taageeridda Nabad iyo Nolol.

Ismaaciil ayaa kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, asagoo door weyn ka qaadan jiray wacyi galinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.

Ismaaciil ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuunka macaanka.

Garoweonline ayaa ogaatay in marxuumka  uu ahaan jiray xoghaya madaxweynaha ka hor inta uusan xanuunsan

Xafiiska ugu sareeya dalka ee Villa Somalia ayaan looga baranin ay u tacsiyeeyaan dadka Soomaaliyeed ee eheladooda ugu dhintaan dalka siyaabo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan gabi ahaan tacsi u dirin Agaasimihii Idaacada Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed 'Afrika' oo kooxaha Argagixisada ah horey ula  beegsadeen Qarax. 

Waxaa sidoo kale usoo tacsiyeeyay shaqsiyaad aad oogu dhaw Villa Somalia oo uu kamid yahay gudoomiyaha amniga ee gobolka Banadir, Cali Yare.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM