Farmaajo oo "faragelinaya" xubnaha guddiyada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa wuxuu faragelin ku haya xulista xubnaha guddiyada doorashadda gobolada waqooyi, sidda ay sheegeen siyaasiyiin.

Siyaasiyiinta oo shir jaraa'id ku qabtey magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa daaha ka rogay in Farmaajo uu doonayo in uu "gacantiisa kusoo qorto shanta xubnood ee kamid noqonaya guddiyaddaas".

Sida laga soo xigay qoraal ay soo saareen siyaasiyiinta, Farmaajo ayaa mid-mid ugu yeeray wasiirada iyo odayaasha dhaqanka gobolada waqooyi "una sheegay in ay faraha ka qaadaan xubnaha uu isaga soo qorto".

"Tani waxay xadgudub iyo meel ka dhac een geed loogu soo gaban ku tahay heshiiskii ay gaareen xukuumadda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka," ayaa lagu yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Maamulka Farmaajo ee waqtigiisu dhamaadey ayay cod dheer ugu baaqeen in uu ka waantoobo "talaabooyinka uu haatan ku howlan yahay ee horseedi kara khilaafaad horleh iyo dib-u-dhac ku yimaada fulinta heshiiska".

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan eedeyntan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyada Soomaaliya. Isku-dayo Garowe Online ku doonayey in uu ku haleelo mas'uuliyiinta Villa Soomaaliya ayaanan guuleysan.

Guddiyada xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa qodobada is-mari-waaga ugu culus uu ka taagnaa doorashooyinka Soomaaliya, waxaana xal looga gaarey wadahadaladii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 27-dii bisha May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM