Farmaajo oo faray XFS dardargelinta qorshaha ka hortaga Corona

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya .”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag.

MUUQAALKA FARMAAJO

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Amnesty: Turkiga wuxuu gudaha Soomaaliya ku dilay 23 qof rayid ah

Hay'adan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ay dadkan lagu laayay hal duqeyn dhanka cirka ah.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 10:09AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM