Farmaajo oo furaya Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah [10-ka Maarso] lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa Khudbad u jeedin doona Xildhibaanada labada Aqalka [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare], taasi oo uga warbixin doono xaaladda dalka iyo howlaha horyaalla dowladiisa, oo ugu horeeyo arrimaha amaanka.

Mowqifka dowladda Federaalka ee Heshiis saddex geesoodka dekedda Berbera ayaa kamid ah qodobada la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo kusoo qaato Khudbadiisa, intastoo uusan qodobkan ku adkeyn doonin carabkiisa, oo go'aanka Xukuumadda u dhaafayo.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska Berbera, kaasi oo uu sheegay in aysan awood u laheyn Somaliland inay gasho, waxaana Xukuumadiisa cawasho arintaasi ku aadan u gudbisay Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadalka Khayre, oo uu ku tilmaamay inuu yahay daan-daansi dagaal iyo duulaan lagu soo qaaday maamulkiisa. Halkan ka Daawo.

Xarunta Dugisa Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayay ka dhacaysaa munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 3aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo amaanka wadooyinka gala goobtaasi si aad ah loo adkeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM