Farmaajo oo hambalyadda Ciidda si gaar ah ugu diray Ciidamadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidda Carafo uu u diray guud ahaan Soomaalida iyo Muslimiinta.

"ALLE ayaa mahad iska leh in aan wada qeybsano farxada iyo hambalyadda Ciidda bareysan ee Ciiddul Axdaa oo astaan u ah isu naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada Muslimiinta," ayuu yiri.

Farmaajo oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu xujeyda Soomaaliyeed ALLE uga tuugay in uu ka aqbalo acmaashooda Xajka.

"Maalmaha barakeysan ee bisha Carrafo, waa maalmo ku weyn Diinteen iyo Dhaqankeena. Waa maalmo kumanaan Muslimiin ah u jaheystaan sanad kasta gudashada waajibaadka Xajka," ayuu raaciyey.

Ciidamada difaaca qaranka ee jidada hore ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu si gaar ah ula wadaagayo hambalyadda iyo farxadda dabaaldega Ciidda Carafo.

"Waxaan u dabaaldeynaa Ciiddan iyadda oo geesiyaasheena ciidanka qalabka sida ay ka xorreynayaan maleyshiyaadka argagixisadda ah degaano horleh oo cadowgaasi ay ku dhibaayeen dadkeena," ayuu xusay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray: "Kana soo maleegaan [degaanadaasi] dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed".

Ugu dambeyntii, isaga oo ALLE ka baryaya, Farmaajo ayaa wuxuu Umadda Soomaaliyeed u rajeeyay Ciid nabad ah oo wanaagsan, iyo sanadkan kiisa xiga oo nabad, horumar iyo barwaaqo ah.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM