Farmaajo oo "is-hortaagay" shirkii maamulada iyo Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in uu baaqdey shir lagu wadday in uu galabta Muqdisho ku dhexmaro madaxda maamulada iyo xubno kamid ah wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu waramay in uu maamulada taabacsan ku cadaadiyey in aysan xaadirin kulanka isla markaana uu soo jeediyey in ay kaliya kulmaan hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Dhabancad oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay hor istaagtay shir ay galabta ku ballansanaayeen Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada oo dhan.

"Inkasta oo aad loo sugayo shir-madaxeedka arrimaha doorashooyinka ee Xalane, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wali waa caqabada xal laga gaaro is-mari-waaga laguna qabto wadahadalka si loo dhan yahay," ayuu yiri.

Dhabancad ayaa ku daray: "Shir horudhaca ayaa qorsheysanaa in u dhexmaro dhamaan dhinacyadda la casuumay ee Beesha Caalamka iyo Dowladaha Xubnaha federaalka balse nasiib darro hogaamiyaha dowladda federaalka ah ayaa lagu waramay in uu qaar kamid ah dowladaha xubnaha ka ah uu ka hor istaagay ka qeybgalka. Tani waxay dhaceysaa iyaddoo shalay dowladda federaalka ay xushmad darro ugu muujisay qoraal ay soo saartay doorka Wakiilada Beesha Caalamka".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan kulankan oo illaa haatan kasoo baxay dhanka madaxda maamulada kale ee qorshuhu ahaa in ay kasoo muuqdaan kulanka iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Iyaddoo ku dhowaad muddo laba bilood ah uu xafiiska sii joogo isagoo muddo xileedkiisa uu dhamaadey, Farmaajo wuxuu wali diidan yahay saxiixa warqada in xilliga ka dhamaadey iyo ka qeybgalka shir guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM