Madaxweynaha Soomaaliya oo iska celiyay Baasaboorka Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu celiyay jinsiyadda labaad ee uu ka haystay waddanka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa waxaa lagu xusay "in hawshani ay ahayd mid soo socotay in muddo ah," oo ay kawada shaqeynayeen labada dowladood.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu tegay dalka Mareykanka kadib burburkii dowladda Soomaaliya ee sanadkii 1991-dii, isaga oo ahaa diblumaasi sare.


WAR-SAXAAFADEEDKA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra'iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.


Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa waxay ka dhigeysa Farmaajo, hogaamiyihii koowaad ee dalkan dhaca Geeska Afrika ee talaabadan noocaan ah qaada, inta la ogyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM