Farmaajo oo ka degay Itoobiya xili Abiy uu doonayo xalinta xiisada Kenya

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Axada maanta ah ka degay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, kadib socdaalkiisa magaaladda Makka ee xarunta Sacuudiga.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo garoonka kusoo dhaweeyay Farmaajo ayaa waxay xafiiskiisa ku yeesheen wadahadalo gaar ah, kaasi oo ay saxaafada dibad joog ka ahayd.

Xafiiska Abiy Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in dhinacyadda ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga nabadda iyo amniga ee gobolka.

"Labada hogaamiye iyo marwada koowaad ee Soomaaliya ayaa kulanka kadib dhir ku beeray dhismaha," ayaa lagu yiri qoraalka oo ku qornaa luqadda Ingiriiska, lana soo raaciyey sawiradooda.

Safarka Farmaajo ee Itoobiya oo aanan lasii shaacin waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo xiisada diblumaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay meeshii ugu sareysa mareyso.

Sidoo kale waxa uu imaanayaa iyadda oo Abiy uu todobaadkaan ka dhawaajiyey in uu quudareenayo in uu u kala dab-qaado dowladaha deriska oo khilaafkooda daaran yahay dacwad dhanka badda ah.

Abiy ayaa intaasi raaciyey in hadii aan la qaboojin dhibaatada ka dhex-aloolsan labada waddan "ay saameyn tabban ku yeelaneyso Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah".

Madaxtooyadda dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin booqashada degdega ah ee uu Farmaajo ku tegay dalkaasi aan badda lahayn.

Bishii Maaj ayay ahayd markii Farmaajo oo u socdaalay Itoobiya iyaddoo jirto xiisada Kenya ay wada safteen isaga iyo Abiy dhanka Nairobi, waxayna la kulmeen hogaamiyaha wadankaasi.

Su'aallo ayaa la iska waydiinayaa waxa uu noqon karo doorka dhex-dhaxaadineed ee Abiy kaasoo dalkiisa uu ku lug-yeeshay todobaadkii falal liddi ku ah qaranimada Soomaaliya wallow ay raali ka bixisay Ethiopia.

Kenya ayaa dooneysa in ay Muqdisho kasoo laabato dacwada ay u gudbisay maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ ku saabsan xuduud badeedka balse dowlada federaalka ah waxay horey ugu gacan-seyrtay dalabkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM