Farmaajo oo ka hadlay guusha Boris ee xilka ra'iisul wasaaraha UK

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah hambalyo u diray Boris Johnson oo ku guuleystay jagada ra'iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska.

Boris, duqii hore ee magaaladda caasimada ah ee London, ayaa waxa uu kaga guuleystay tartanka adag ee jagadaasi wasiirka arrimaha dibadda waqti xaadirkan u qaabilsan UK ee Jeremy Hunt.

Farmaajo, oo qoraal kooban kuna qoran English soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa wuxuu u rajeeyay Boris in uu ku guuleystay waajibaadka cusub ee uu ku hogaamin doono Boqortooyadda Ingiriiska.

"Waxaan eegaynaa in aan kula shaqeyno si aan u xaqiijinno mustaqbalka wanaagsan ee aragtida labadeena dal," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Bishii Maaj 2017-kii ayay ahayd markii Boris oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda balse uu iska casilay uu yimid Soomaaliya isaga oo la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale dowladda ka tirsan.

Ra'iisul Wasaaraha cusub oo xafiiska la wareegi doona maalinta Arbacadda ah ee todobaadkan ayaa wuxuu bedelayaa Theresa May, oo shaqada ka tagtay markii ay wadi wayday barnaamijka Brexit.

Brexit ayaa ah barnaamij uu Ingiriiska uga baxayo Midowga Yurub, kaasi oo ay ku kala qeybsan yihiin Xildhibaanadda baarlamaanka iyo siyaasiyiinta wadankaasi.

Caqabadda ugu weyn ee hortaala ah Boris ayaa waxay tahay meel-marinta heshiiska bixitaanka Midowga Yurub oo wasiiro iyo ra'iisul wasaareyaal ay isu casileen.

Soomaalida ku nool wadanka Ingiriiska oo la sheegay in uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkan ayaa dowladda federaalka ka codsaday in ay wada hadalo arrintaasi ku aadan ay kala gasho UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM