Farmaajo oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka kasocda Xeraale

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maalintii labaad kasocda deegaanka Xeraale ee gobolka Gal-gaduud , kaasoo u dhaxeeya mallayshiyaad ka kala tirsan Ahlu Sunna iyo Qabaa'ilka deegaanka.

Iska dhaca labada dhinac ayaa sababay dhimashada  in kabadan 40 ruux, halka dhaawaca lasoo sheegayo inuu gaarayo 20 ruux.

Arrintan ayay dowladda Somalia, ka muujisay walaac, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo, isagoo wacad ku maray inaysan dowladdu indhaha ka laaban doonin colaadda deegaanka Xeraale.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

"Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.

Maaha markii ugu horaysay ee Ahlu sunna iyo mallayshiyo beeleed ku dagaallamaan gobolka, balse arrintan ayaa kusoo aaday xilli dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ku mashquulsantahay sidii loo xallin lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka tagaan gobollada dhexe ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM