Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya iyo Ujeedka safarkiisa oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa Berri oo Jimco ah wuxuu kusii jeedaa magaalada Gonder oo ka tirsan gobolka Baxar Dar, oo hoostaga Is-maamul goboleedka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Villa Somalia ayaa ujeedka socdaalka Farmaajo ku sheegay inuu salka ku hayo shir saddex geesood ah, oo hogaamiyayaasha dalalka Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ku yeelanayan magaalada Gondar.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka hadlaya xoojinta xiriirka dalalkooda iyo heshiiskii is-dhexgalka dhaqaalaha ee ay ku gaareen Asmara labo bilood ka hor.

Safarka Farmaajo ayaa imaanaya xili dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed, oo udhaxeeya madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo dowladda dhexe, kaasi oo aanan wali xal rasmi ah laga gaarin.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah kuwa is-dabajoog ah oo ka badan saddex oo uu Farmaajo ku tago Itoobiya tan iyo markii la doortay 8-da bishii Febraayo,, xili wadarta guud uu galay tabaneeyo safaro uu ku bixiyay dalal kala duwan.

Bishii Maarso ee sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii ugu horeysay oo isaga oo ah Madaxwayne Soomaaliyeed oo uu Farmaajo ka dego Addis Ababa, markaasi oo uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Hailemariam Desalegn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM