Farmaajo oo ku wajahan Itoobiya iyo Ujeedka safarkiisa oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa Berri oo Jimco ah wuxuu kusii jeedaa magaalada Gonder oo ka tirsan gobolka Baxar Dar, oo hoostaga Is-maamul goboleedka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Villa Somalia ayaa ujeedka socdaalka Farmaajo ku sheegay inuu salka ku hayo shir saddex geesood ah, oo hogaamiyayaasha dalalka Somalia, Itoobiya iyo Eritrea ku yeelanayan magaalada Gondar.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka hadlaya xoojinta xiriirka dalalkooda iyo heshiiskii is-dhexgalka dhaqaalaha ee ay ku gaareen Asmara labo bilood ka hor.

Safarka Farmaajo ayaa imaanaya xili dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed, oo udhaxeeya madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo dowladda dhexe, kaasi oo aanan wali xal rasmi ah laga gaarin.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah kuwa is-dabajoog ah oo ka badan saddex oo uu Farmaajo ku tago Itoobiya tan iyo markii la doortay 8-da bishii Febraayo,, xili wadarta guud uu galay tabaneeyo safaro uu ku bixiyay dalal kala duwan.

Bishii Maarso ee sanadkii hore 2017 ayay ahayd markii ugu horeysay oo isaga oo ah Madaxwayne Soomaaliyeed oo uu Farmaajo ka dego Addis Ababa, markaasi oo uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Hailemariam Desalegn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM