Farmaajo oo kulan "qarsoodi ah" la yeeshay madaxweynaha Tanzania

Image

NAIROBI, Kenya – Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu "si qarsoodi ah" ula kulmay dhigiisa Tanzania, John Magufuli.

Jaraa'idka ma uusan soo bandhigin goobta iyo goorta uu qabsoomay kulanka iyo ajendaha lagu gorfeeyay.

Balse isagoo soo xiganaya mas'uul sarre, Daily Nation ayaa shaaciyey in dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay kulanka Farmaajo iyo Magufuli.

Fahfaahintan ayaa soo if-baxeysa iyaddoo bishii hore uu Farmaajo [transit] kusii noqday dalka Tanzania, isaga oo kusii jeeday Koonfur Afrika.

Farmaajo ayaa Koonfur Afrika uga qeybgalay caleemo saarka madaxweynaha cusub ee dalkaasi, Cyril Ramaphosa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dalalka deriska la leh Kenya sida Itoobiya, Tanzania iyo Eritrea ay door weyn ka cayaarayaan xiisada sii kululaaneysa ee muranka badda.

Madaxtooyadda Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan jawaabin warka uu baahiyay Daily Nation.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo Axadii ay dowladda Kenya shaacisay in ay dacwad ka gudbineyso Ingiriiska iyo Norway oo ay ku eedeysay in ay hurinayaan xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Is-qabqabsiga ayaa ku saabsan muran xuduud badeed ah, kaasi oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay go’aan kasoo saareyso dhamaadka sanadkan ama bilowga sanadka soo socda ee 2020.

Kenya iyo Tanzania ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhowr wejiyo ah - midka dhanka xuduuda ah badda oo xasishay iyo ganacsiga oo wada hadalo uu uga socdo sidii loo dhameyn lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM