Farmaajo oo la kulmay taliyeyaal xilli walaac uu jiro

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Farmaajo ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Cadawga Argaggixisada ah iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Argaggixisadu dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Taliska AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay ku milmeen siyaasadda isla markaana gacansaar dhow la leeyihiin saraakiil ka tirsan maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo. Si lamid ah, waxaa jira walaac ku saabsan in khilaafka doorashooyinka uu gacan ka hadal isku bedelo.

Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

  • Soomaliya

    29-03-2024

  • 04:30AM

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM