Farmaajo oo laga dalbadey in uu baajiyo safarada dibada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka dalbadey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu baajiyo safaradda dibadda, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Dalabka diblumaasiyiinta ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaadyadda, wuxuu salka ku hayaa xaaladda siyaasadda ee dalka wajahayo gaar ahaan is-mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka heer federaal.

"Xaaladda haatan ka jirta Soomaaliya iyo shirarka socda awgeed, bulshada caalamku waxay dalbatay Farmaajo inuu sii joogo magaalada Muqdisho isla markaana uu baajiyo safarkiisa dibada ee la qorsheeyay," ayay sheegeen illo wareedyo diblumaasiyeed.

Ma cadda hadii codsiga Beesha Caalamka uu kusoo hagaagay kadib markii ay heleen xogo ku saabsan in Farmaajo qorsheynayo in uu booqasho dibadda ah aado taasoo Madaxtooyadda Soomaaliya ay qarineysa.

Balse, warar ayaa sheegaya in Farmaajo uu qorsheynayo in uu dhowaan u socdaalo waddanka Itoobiya. Lama xaqiijin karo haddii dalabka Beesha Caalamka awadeed uu uga baaqan doono booqashadaas.

Dhanka kale, madaxwayneyaasha maamul goboleedyada ayaa maalintii saddexaad wuxuu shir gaar ah uga socdaa gudaha xerada aadka loo ilaaliyo ee Xalane, iyagoo maanta qaabilay siyaasiyiinta goboalda waqooyi.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hogaaminayey siyaasiyiinta oo taladooda ku biiriyey qaabka xal looga gaari karo xaalada cakiran ee dalka ku jiro.

Hogaamiyeyaasha maamuladda ayaa si horudhac ah waxay isugu afgarteen in ay shirka Afasiyooni kawada qeybgalaan iyaddoo uu xaadirayo Farmaajo balse ay kaliya diiradda saarayaan ka heshiinta ajandaha shirka guud.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in madaxda maamuladda ay u badan tahay in ay maanta ka heshiiyaan ajandaha shirka loo dhan yahay kaasoo uusan wali caddeyn doorka ay ku yeelanayaan musharaxiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM