Farmaajo oo laga diidey qorshe uu ka damacsanaa ciidanka Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo wuxuu ku hungoobay qorshe uu doonayey in uu ciidamadda Mareykanka tababaro ugu adeegsado joojinta banaanbaxyadda mucaaradka, sidda ay Jariiradda Washington Post kasoo xigatay sarkaal magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan in aan loo goleyn in uu si furan ula hadlo saxaafadda xorta ah.

Wargeyskan fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa lataliye ka tirsan booliska Soomaaliya wuxuu kasoo xigtay "ma jiro mucaarad sheegay in la toogto madaxweynaha, balse dhanka madaxweynaha waxaa nagala codsaday in aan sidda ugu adag ula macaamilno mucaaradka".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ama Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin sheegashooyinka boggan.

Kadib kulan dhexmaray Jimcadii, Ra'iisul Wasaaraha waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya ayaa kula heshiiyey hogaamiyeyaasha mucaaradka in ay dib-u-dhigaan mudaaharaad ka dhan ah dowladda isla markaana raaligelin ka bixiyey beegsiga musharaxiinta doorashooyinka qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan bishaan balse dib-u-dhac ballaaran uu ku yimid.

Soomaaliya ayaa dhexda kaga jirta qalalaase dastuuri ah iyadda oo mucaaradka uu sheegayo in madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiiska joogay iyadda oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey. Xiisadda ayaa Jimcadii cirka isku-sii-shareertay, waxaana dhacay isku-dhac dhexmaray ciidammo taasoo dhabaha u xaartey cabsi ku aadan in muranka doorashooyinka ay sababi karaan in waddanka uu lugaha la galo dagaal sokeeye.

Kulankii Khamiista ayaan laga soo saarin jadwal doorasho. Farmaajo oo xudun u ah khilaafka taaganna si toos ah ugma lug-lahayn.

Iyaddoo saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ay bogaadiyeen heshiiskaas uu ka gorgortamay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen kuna qeexeen talaabo loo qaadey dhanka saxda ah, saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in khatarta colaad ay wali sareyso. Ciidamadda ammaanka waxaa kala jeedinaya dhinacyada xilli kala qeybsanaanta siyaasadda sii xoogeysaneyso.

"Iyadda oo uusan jirin heshiis siyaasadeed, waxaan ku jirnaa marxalad aysan cidna wax aragti ah ka haysan waxa dhici doona si gaar ah sidda ciidamadda ay uga falcelin doonan hadii rabshado lama filaan ah ay yimaadaan," ayay tiri Jihaan Cabdullaahi Xasan, oo lataliye u ahayd wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay leedahay cutubyo milateri oo fara badan, qaar ka mid ah waa kuwo xirfad leh, federaalku maamulo oo ay tababaraan la taliyayaal ajnabi ah, halka kuwa kale ay aad ugu dhow yihiin dowlad goboleedyada oo khilaaf ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashooyinka uu kala dhaxeeyo xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Jihaan ayaa intaas ku dartay in dib-u-qaabeynta lagu sameeyay ciidamadda ay sahashay in askarta ay hoostagaan nidaamka federaalka, mushaharkooda ay helaan, in la dejiyo xeerarka anshaxa iyo dib u habeynta hoggaanka militariga, balse waxay xustey in caqabada kala qeybsanaanta ay wali taagan tahay.

"Waa xaalad cakiran," ayay tiri. "Ciidamada wali iskuguma dhafan qaab heer qaran - way dhowyihiin, laakiin wali ma jiraan. Ma ogolaan karno inay dib ugu laabtaan loolan siyaasadeed ama mid qabiil."

Magaalada Muqdisho, jawiga wuxuu Khamiista ahaa mid kacsan. Magaalada waxaa laga xanibmay isu socodkii dadka iyadoo waddooyinka la xiray kahor mudaharaadyada la qorsheeyay Jimcaha waxaana dadweynuhu bilaabay in ay aad u iibsadaan waxyaabaha daruuriga ah, iyagoo ka cabsi qaba in banaanbaxyada mar kala la rasaaseyn doono. Heshiiska habeenkii Khamiista, mucaaradka ayaa ogolaaday in dib loo dhigo banaanbaxyada 10 maalmood.

Horraantii toddobaadkan, madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, wuxuu kaga sheekeeyay khudbad si weyn loo daawaday sidda uu Farmaajo ugu faanay inuu haysto ciidan hubeysan iyo lacag isla markaana uu ku fekerayo in waddanka uu xoog kusii maamulo muddo aan la cayimin.

In kasta oo dastuur-ka la soo saaray 2012 uu tilmaamayo qaababka loo yagleelayo maxkamad dastuuri ah oo ka garnaqi doonta khilaafaadka u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya, iyo sidoo kale dacwadaha xil ka qaadista madaxweynaha, haddana Farmaajo iyo madaxweynihii midkoodna ma qaadin tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah dhismaha maxkamadda.

Qaar ka mid ah hay'adaha nabad-gelyadda ayaa bilaabay in ay ka hadlaan waxa ay u arkaan inuu Farmaajo u janjeero inuu u adeegsanayo laamaha kala duwan ee ciidamada amniga si uu ugu caburiyo mucaaradka kasoo horjeeda.

"Ma jiro mucaarad yiri 'waa in aad toogataan madaxweynaha'. Laakiin dhinaca madaxweynaha, waxaa nagala codsaday in aan si adag uga hortagno mucaaradka," ayuu yiri lataliye ku dhow taliyaha booliiska Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu la hadlo warbaahinta madaxa-banaan ee gudaha dalka iyo dibadda.

Taliye sarre oo ka tirsanaa ciidamadda Soomaaliya, Maxamed Cali Bariise, ayaa si daacadnimo leh uga hadlay qiimayntiisa.

"Farmaajo wuxuu u arkaa ciidamada qalabka sida iyo sirdoonka, iyo xitaa booliska, inay yihiin aalad shaqsiyadeed oo uu ku gaaro himilooyinkiisa," ayuu yiri.

"Tan iyo markii uu xukunka la wareegay, wuxuu isku dayayay inuu xilal sare u dhiibo saraakiil ku feker ah, xataa kuwa qoyskiisa iyo beeshiisa. Rajadeenu waa in ay diidi doonan saraakiisha caqliga u saaxiibka ah- laakiin waxaan shaki ku jirin in la eryi doono, la eryi doono, la go'doomin doono, xitaa waxay naftooda halis u gelin kartaa inay sidaas sameeyaan".

Sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ay tababaraan ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka, ayaa sheegay in taliyahooda ugu sareeya uu ka codsaday Farmaajo inuu qaar ka mid ah ciidamadooda u raro magaalada Muqdisho ka hor banaanbaxyadii todobaadkii hore. Balse, codsigii waa la diiday. Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta madaxa-banaan maadaama ay mamnuuc tahay in uu ka hadlo arrimahaan oo xasaasi ah awadeed.

"Cutubyo kale oo ka tirsan ciidamada gaarka ah, oo loo yaqaan Gorgor iyo Haramaad, oo labaduba ay tababareen millatariga Turkiga, ayaa la geeyay Muqdisho usbuucii hore," ayuu ku daray.

Bishii la soo dhaafay, militariga Mareykanka wuxuu dhameystiray bixitaanka illaa 700 askari oo ku sugnaa Soomaaliya. Inta badan waxay qeyb ka ahaayeen howlgalka tababarka laakiin mararka qaar ka qeyb qaata duullaannada dhulka ee lagu qaado bartilmaameedyada looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Kooxda xagjirka ah ee gacansaarka la leh al-Qaacida waxay gacanta ku hayaan inta badan baadiyaha koonfurta Soomaaliya waxayna gacan ka geysteen xasillooni darrada dalka ka jirta.

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa sababi karta in ciidamadda ammaanka ay ka weecdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda ay ka digeen falanqeeyeyaasha, oo xusay in arrintaas ay dhabaha u xaari karto in kooxda ay dhaqdhaqaaq xor ah ka sameyso waddanka.

"Hadii heshiis siyaasadeed la gaari waayo, dedaalada wadajir ee ka dhanka ah argagixisada waxay fashilmi doonan, waxaana goobjoog ka noqon doonaa awooda maleyshiyadda Al-Shabaab oo sii kordheysa," ayuu yiri Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa fulinta Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal kaasoo xaruntiisa ugu weyn ay tahay magaala madaxda dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM