Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Image

MUQDISHO, Khamiis, 20 Nofeembar 2025 — Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey dhowr heshiis iyo hindise sharciyeed oo muhiim u ah maamulka iyo horumarinta dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda kadib kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee Khamiista.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa goluhu meel mariyey Heshiis Is-afgarad cusub oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada diplomasi, amni, iyo kobaca bulshada.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, oo looga golleeyahay ilaalinta xuquuqda haweenka iyo ka hortagga tacaddiyada lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed ee lagu sameeyo gudniinka fircooniga.

Sidoo kale, xukuumaddu waxay meel marisay Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu ballaarinayo ka-qaybgalka haweenka ee nabadeynta iyo hoggaaminta arrimaha bulshada.

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada, iyo Istaratiijiyadda Qaranka ee Dekedaha, oo lagu doonayo in lagu hormariyo marin-biyoodka iyo kaabayaasha ganacsiga.

Intii kulanku socday, waxaa Golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, iyo xaaladda abaaraha ka jira qeybo kamid ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in abaaraha ka jira dalka ay saameeyeen illaa 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar deg-deg ah. Wuxuu golaha u soo bandhigay qorshaha gurmadka iyo tallaabooyinka socda ee lagu yareynayo dhibaatada dadka ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa faray hay’adaha dowladda in ay si deg-deg ah uga jawaabaan baahiyaha dadka ay saamaysay abaartu, isagoo ku adkeeyay in gurmadku gaaro bulshada u nugul xaaladda adag ee ka jirta qeybo badan oo dalka ka mid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM