Farmaajo oo laga reebay shir lagu saxiixayo heshiiska Eritrea Ethiopian

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelinaysa saxiixa heshiiska nabadda ee dowladaha Eithiopia iyo Eritrea kadib markii ay soo afjareen bishii July labada dhinac colaaddii u dhaxeysay mudada 20-ka sano.

Munaasabadda oo uu goob-joog ka ahaan doono Boqor Salman Bin Abdulaziz islamarkaana Axadda soo socota ka dhici doona Riyadh ayay Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaisa Afwerki ku saxiixi doonaan heshiiska.

Lama oga sababta dowladda Federalka ah ee Soomaaliya looga reebay ka qeyb-galka munaasabadda saxiixa Heshiiska Eithiopia iyo Eritea, balse waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka xun uu u dhaxeeya Sacuudiga iyo Villa Somalia.

Xukuumadda Riyadh ayaanan ku faraxsaneyn mowqifka dowladda Federaalka ee khilaafka Khaliijka, oo ay u argto inay u weecatay dhanka dowladda Qadar, oo ay ku riixayaan shaqsiyaad saaweyn ku leh maamulka Farmaajo.

Sacuudiga oo galaangal ku leh dunida Muslim-ka ayaa hoos u dhigay xiriirkii kala dhaxeeya dowladda Federaalka, sidoo kalena joojiyay taageeradii uu siin jiray, maadaama Xukuumadda Muqdisho aan dhab ka ahayn dhex-dhexaadnimadeedii xiisadda Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo oo labo jeer booqday Sacuudiga tan iyo markii la doortay Febuary, ee 2017, ayaa mudooyinkii dambe safaro ku kala bixiyay Eritrea iyo Eithiopia, oo min labo jeer booqday, isagoo qeyb ka ah hogaamiyaasha heshiiska nabada gobolka ka shaqeynaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM