Farmaajo oo lagu casuumay shir ka dhacay dalka Ruushka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya.

Mr Golovanov oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas, Vladimir Putin ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed eeSoomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Safiirka oo xukuumada ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta amniga iyo dhaqaalaha ayaa Madaxweynaha kala hadlay qaabkii uu Ruushku gacan uga geysan lahaa tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Mr Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Casuumaad ayaa ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan la filayo in uu ka qabsoomo magaalada Sochi ee dal weynaha Ruushka ee qaaradda Yurub.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeybgeli doono madax kale oo ka socotay waddamo kale, waxaana la filayaa in xooga lagu saaro arrimo badan oo quseeya qaaradda.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa wadaaga xiriir taariikhi ah xili waddankaasi ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo isugu jira Arday iyo qaar qaxooti ahaan ugu nool qarankaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM