Farmaajo oo Somaliland ugu baaqey in dib ula midoobaan Somalia [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Munaasabad lagu xusayo 26 June oo ku beegan markii gobolada Woqooyi xornimada ka qaateen gumeysitihii Ingriiska ayaa lagu qabtey xarunta degmada gobolka Banaadir.

Munaasabadaan oo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha dowlada Federaalka ah, Ra'isal wasare Khayre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigey heeso iyo sugaan kale taasoo ka turjumeysay qiimaha midnimada leedahay iyo wadniyada.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia oo hadal ka jeediyey munaasabadaan ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay midnimada isagoo ugu baaqey shacabka Somalia gaar ahaan kuwo daga gobolada Somaliland iney ka qayb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa qaranimadii dalka Somalia.

"Waxaa Nasiib Daro ah Soomaali ehel wada ah, oo wada Dhashay iyo Hilbo aan kala Go' Laheyn,  Qaar yar oo Kooban in ay Doonayan  Xeyn Daab in ay Nagu Kala Haayaan.

"Waxaan walaalaheena gobalada waqooyi  Dhalin yaro iyo waayeel, Rag iyo dumarba ugu baaqayaa in ay tahay Mas'uuliyad inoo wada taala inaan Dib u hanano Qarannimadii Soomaaliyeed." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo isagoo ka hadlaya xafaladii loo qabtey maalintii 26 June.

Somaliland ayaa ka go'dey dalka Somalia intiisa iyagoo waqtigaan dhsitey dowlad aan aqoonsi ka helin Calaamka.

Halkaan ka DAAWO khudbada Madaxweyne Farmaajo- xigasho Galeyr Centre 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM