Farmaajo oo soo gabagabeeyay booqashadiisa Koonfur Afrika

Image
Image
Image

PRETORIA, South Africa - Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa wadanka Koonfur Afrika.

Farmaajo ayaa dalkaasi u tegay ka qaybgalka caleemo-saarka hogaamiyaha cusub ee wadankaasi dhowaan dib loogu doortay ee Cyril Ramaphosa, kaasoo noqonaya midkii 5aad.

Intii uu ku sugnaa Koonfur Afrika waxa uu Farmaajo shir la yeeshay Soomaalida ku nool halkaasi, isaga oo uga xog-waramay xaalada uu wadanka ku sugan yahay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu kasoo dego magaaaldda caasimadda ee Muqdisho, halkaasi oo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay ka socoto.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Farmaajo uusan soo mari doonin garoonka diyaaradaha Nairobi, caasimada Kenya, isla markaana uu sugaal [transit] kusoo noqonayo gegida Dar es Salaam ee Tanzania.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii todobaadkii hore garoonka Nairobi laga soo celiyey mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano wallow kuwa kale ay Baasaboor shisheeye ku gudbeen.

Tani ayaa salka ku haysa xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwad ay Soomaaliya u gudbisay maxkamada cadaalada aduunka oo ku aadan xadgudubka Kenya ee badda Soomaaliya.

Maxkamadaan fadhigeedu yahay wadanka Holland ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkan ay soo saarto go'aanka ugu dambeeya xili wajigii koowaad ay Soomaaliya labinta heshay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM