Farmaajo oo taageeray baaqyada ka dhanka ah muddo kororsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa taageeray baaqyada ku saabsan in uu ka laabto muddo kororsiga sharci darada ah ee xiisada dhalisay.

Isagoo kasoo muuqdey muuqaal laga sii daayey telefishinka qaranka, Farmaajo ayaa ku baaqay shir deg-deg ah oo si shuruud la'aan ah loogu saxiixo heshiisyaddii doorashada oo uu ku jiro kii 17-kii September.

"Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021," ayuu yiri.

Xilli uu u muuqday mid ka hadlaya dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Muqdisho wajaheysay bilooyinkii lasoo dhaafay, dhinacyadda siyaasadda ayuu ku tartarsiiyey in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenaya xasilooni daro.

"Hadaba si loo suurtageliyo qabashada doorasho ku saleysan heshiisyadaas aan soo xusay waxaan ugu horeyn ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasilooni darro oo ay kamid tahay siyaasadeynta arrimaha ciidamadda, kala qeybinta bulshadda iyo burburinta hantida dadweynaha," ayuu ku daray.

Musharaxiinta mucaaradka ee ka aragtida duwan una taagan in ay jagadda ku fadhiyo isagoo waqtiga ka dhamaadey ka bedelaan ayuu si dadban ugu eedeeyay in ay ka shaqeynayaan kala furfurka ciidamadda

"Waxaan ugu baaqeynaa ama ugu baaqayaa dhinacyada abaabulaya xasilooni daradda oo ay kamid yihiin siyaasiyiin shalay xilal dalka u soo hayey maantana doonaya in ay xilkaas iyo mid lamid ah qabtaan si ay kursi ugu gaaraan. Maalmihii lasoo dhaafay waxay astaan cad u ahayd sharka iyo kheyrka. Waxaa loo qeybsamay badbaadiye iyo barakiciye".

Wallow uusan baahin caddeymo ku filan xoojinaya sheegashadiisa, dalal shisheeye oo uusan magacaabin ayuu tibaaxay in ay "maskax, maal iyo muruq ku bixinayaan marinhabaabinta shacabka".

"Shisheeye badan ayaa maal, maskax iyo muruq ku bixinaya sidii ay u marin-habaabin lahaayeen horumarka Ummadda Soomaaliyeed si ay uga helaan dano u gaar ah anagana waxaan ku dedaalnay in aan gaashaanka ku dhufano. Waxaanu diidnay in dhalinyaradeena laga dhigto caawa la shito gacmahoodana lagu burburiyey nafta iyo hantida Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa shaaciyey in uu maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe uu hortagi doono baarlamaanka federaalka halkaasoo la filayo in uu kaga dhawaajiyo arrimo kala duwan.

Dhawaqa Farmaajo ee ku saabsan in si shuruud ahaan loo saxiixo heshiisyada doorashada ayaa la rumeysan yahay in uu doonayo in meesha laga saaro qodobada la isku hayo oo ay ugu culus tahay gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM