Farmaajo oo u ambabaxay Sacuudiga [Akhri Ujeedka Safarkiisa]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo sabti ah u ambabaxay dalka Sacuudiga.

Wafdiga Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiirro, Xildhibaano labada aqalka ee Baarlamaanka katirsan iyo Mas'uuliyiin ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo kusii jeeda magaalada Riyadh.

Ujeedka safarka Farmaajo ayaa ah inuu ka qeyb gelo shir madaxeedka 29aad ee dalalaka ku midoobay Ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo maalinta berri ah [15-ka April] ka furmi doono Riyadh.

Wafdiga kale oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibeda Axmed Ciise Cawad ayaa horey ugu sugnaa Riyadh isagoo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka Carabta ee hordhaca u ahaa shir madaxeedka berri furmaya.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Farmaajo inta uu joogo Riyadh la kulmi doono Boqor Salman iyo Amiiro kale oo ka socda dalalka Khaliijka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Safarka Farmaajo ee Sacuudiga ayaa kusoo beegmaya xilli uu si weyn u xumaday xiriirka dowladdiisa ay la leedahay Imaaraadka kadib markii Garoonka Muqdisho lagu qabtey lacag ku socotay Ciidamada dalka.

Xukuumadda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe u muuqata mid u janjeerta dhinaca Qadar ayaa sheegtay in lacagta lagu qabtey Axadii lasoo dhaafay Garoonka ay ka shakisay islamarkaana ay baarayso.

Lacagtan oo cadadkeedu ay Wasaarada Amniga ku sheegay $9.6 Million [Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Doolarka Mareykanka], ayaa meel sare gaarsiisay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa cadeeyay in lacagta ka timid Imaaraadka ay horey u imaan jirtay dalka, islamarkaana uusan garanaynin sababta keentay in markan la baaro. Halkan ka akhri Warka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM