Farmaajo oo u safray Qater xilli dalku ku jiro doorasho

Image
Garowe Online ayaa fahamsan in Qadar ay markale taageerayso ololaha Farmaajo si lamid ah doorashadii 2017

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah u safray magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Socdaalka Farmaajo oo lagu sheegay in uu yahay “mid shaqo” ayaa ku soo aadaya xilka dalku uu ku jiro olole doorasho maadaama la soo xulay ku dhawaad 80% xildhibaanada golaha shacabka horay loo soo dhamaystiray doorashada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa Amiir Qater Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kula kulmi doona maalinta Axada ah waxa ayna “ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa”.

Qatar News Agency ayaa intaasi ku dartay in ay intaasi “dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud” balse ma aysan cadayn waxa ay yihiin.

Garowe Online ayaa fahamsan in Qadar ay markale taageerayso ololaha Farmaajo si lamid ah doorashadii 2017 ka dhacday Soomaaliya taas oo uu fududeeyay wakiilka Doha ee Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hada loo doortay xildhibaan.

Dolwadda Qadar ayaa lagu yaqaanaa inay si weyn u taagersan tahay nidaamka maamul ee Farmaajo,  Waxa ayna bishii May ee sanadkii hore kaalin weyn ka geysatay dib usoo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhex taagnaa khilaaf diblumaasiyadeed.

Dhawaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar ayaa xaqiijiyey in ay jiraan saxafiyiin badan oo ay mushahar siiyaan. Saxafiyiintan ayuu xusay in qaarkood ay noqdeen Xildhibaano, halka qaar kalena ay xilal sare ka hayaan dowladdo.

In kasta oo aanu magacyo sheegin, haddana waxa hubaal ah in Hamad bin Jassim oo loo garan-og-yahay HBJ uu maskaxda ku hayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah gacanta midi gee Farmaajaha waqtigu ka dhamaaday.

Fahad oo horey uga tirsanaa Telefishinka Al-Jazeera, isla markaana lagu tiriyo inuu yahay wakiilka Qatar u jooga Soomaaliya, ayaa haatan saameyn aan la qiyaasi karin ku dhex leh gudaha Soomaaliya.

Isaga oo adeegsanaya dhaqaalaha Qatar ayuu ku guuleystay inuu go’aamiyo cidda ku guuleysaneysa hogaanka Soomaaliya labadii doorasho ee ugu dambeysay. Fahad, sanado badan, waxa uu ahaa buundada la isku halayn karo ee Qatar u marto dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta Soomaaliya.

Tan iyo 2017, iyo markii uu sii kululaaday loolanka Khaliijka, Fahad wuxuu ku guuleystay inuu Soomaaliya u rogo waddan macmiilka ah Qatar. Taa beddelkeeda, Dooxa waxay maalgelisa NISA oo ay ka dhigtay aalad ay adeegsato.

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalka Qatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM