Farmaajo oo u safray South Sudan xilli dalka uu khilaaf ka jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa maanta oo Arbaco ah u ambabaxay dalka Suudaanta Koonfureed, xili dalka uu ka jiro khilaaf siysaasadeed, oo lagu tilmaamay midkii ugu xumaa.

Ujeedka socdaalka madaxwaynaha ayaa ku saleysan ka qaybgalka munaasabad loogu dabaaldegayo dhameystirka heshiiska nabadda ee dalka dunida ugu da’da yar, ee Suudaanta Koonfureed, kaasi oo IGAD garwadeen ka ahayd.

Wasiiro, Xilldhibaano iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Madaxwaynaha ku wehlinaya safarkiisa, waxaana la filayaa in inta uu ku sugan yahay Juba kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya musaabadda.

Safarka madaxwaynaha ayaa imaanaya xili ay socoto waan-waan uu garwadeen ka yahay Aqalka sare, taasi oo la doonayo in xal loogu helo is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka ka jira, una dhaxeeya maamulada iyo dowlada dhexe.

Beesha Caalamka ayaa door ku leh dhex-dhaxaadinta xili xukuumadda ay soo magacowday Guddi kala shaqeeya Aqalka sare dedaalada uu wado, iyadoo dhanka maamulo goboleedyada aysan soo magacaabin wasiiradda la shaqeynya gudiga dhex-dhexaadinta.

Madaxda maamullada ayaa September 2018 xiriirka u jaray Villa Soomaamliya oo ay eedeeyeen inay faragelin toos ah ay ku hayso arrimahooda gudaha, gaar ahaan dhinaca doorashooyinka, oo ay gadaal ka riixayso musharaxiin gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM