Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Image
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmajo ayaa wuxuu ku sheegay in shirkii ugu socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada labadii todobaad ee la soo dhaafay uu ku dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan. Wuxuu tilmaamay in arrintan ay horseedi doonto niyad-jab, kala qaybin shacabka Soomaaliyeed, iyo jahawareer siyaasadeed oo keeni kara hubanti la’aan ka dhalata dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in dowlad-goboleedyada qaar laga hor istaagay doorashooyinkii ay xaqa u lahaayeen, inkastoo ay dhaafeen waqtiyadoodii dastuuriga ahaa. Isagoo eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, ayuu sheegay in damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka aan waafaqsanayn sharciga uu caqabad ku noqonayo dowladnimada, wadajirka, iyo midnimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay baaqyadii uu hore ugu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa, isagoo ugu yeeray in ay kusoo laabtaan xeyndaabka sharciga iyo hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee horyaalla dalka.

Wuxuu intaas ku daray in fashilka shirka Madasha Qaranka oo sii kala qaybiyay madaxda dowlad-goboleedyada uu yahay digniin ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalka, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samatabixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta doorashooyinka qaranka iyo dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka ay tahay masuuliyad wadareed oo ka dhaxaysa shacabka, dowladda iyo hoggaanka siyaasadda, isla markaana cid gaar ah aysan ku jaan-gooyn karin danaheeda gaarka ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho. Hase yeeshee, Madaxweynaha xilka haya (Xasan Sheekh) iyo siyaasiyiin kale ayaa ka horyimid qorshahaas, taasoo keentay in ay ka qayb galaan munaasabadii caleema-saarka Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM