Farmaajo: Wadajirkii iyo midnimadii Soomaaliya ayaa halis gashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digaya khataraha ay keeni karto marxaladda hadda jirta. War-saxaafadeedkaas, Farmaajo wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay gashay xaalad siyaasadeed oo halis ah, taas oo sababi karta dib u dhac siyaasadeed, dhaawac ku yimaada midnimada dalka, iyo qalalaase siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara amniga guud ee dalka.

Farmaajo ayaa marar badan ka digay in wax-ka-beddel aan la dhammeystirin lagu sameeyo Dastuurka, taasoo uu sheegay inay dhaawici karto sharciyadda hay'adaha dowladda iyo isku xirnaanta shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka la eego in dastuurka uu yahay saldhigga kaliya ee ay ku dhisan tahay dowladnimada iyo wadajirka dalka.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Sharciga doorashada, sharciga xisbiyada, iyo guddiyada doorashada ay yihiin arrimo muhiim ah oo ka dhexeeya hay'adaha dastuuriga ah, Dowlad Goboleedyada, iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda. Waxa uu si culus ugu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku adkeysanayo in uu qabto doorasho kaliya oo isaga ka go'an, taasoo aan ka tarjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka. Farmaajo ayaa tilmaamay in arrintan ay keeni karto dib u dhac iyo qalalaase siyaasadeed.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax ka baddal Dastuurka iyo qabashada doorasho aan Puntland, Jubaland, iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka ka qayb qaadan ay muujinayso in madaxda hadda talada haysa aysan tixgelin ku siinayn wadajirka iyo midnimada dalka, balse ay doorbidayaan danahooda gaarka ah.

Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka fiirsado tillaabooyinka uu qaadayo, isla markaana uu ka shaqeeyo midnimada dalka iyo ka hortagga qalalaase siyaasadeed. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in Dowlad Goboleedyada, madaxda hore, iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka ay iska kaashadaan sidii loo gaari lahaa wadatashi qaran oo looga gudbi lahaa xaaladda adag ee siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM