Farmaajo: Xasan Sheekh haka laabto tallaabooyinka sharci-darrada uu qaadey

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay wadahadalka qaran ee uu ku baaqay Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxafaafadeed uu soo saarey Maanta ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka laabto wax ka bedelada "sharci-darrada" ah ee uu ku sameeyay dastuurka dalka, dhismaha guddiga doorashada ee muranka badan ka taagan, iyo burburinta Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), oo ku bedelay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaamiyo.

Farmaajo ayaa digniin ka bixiyay in tallaabooyinkan ay caqabado waaweyn ku yihiin dadaallada dib-u-dhiska dalka, islamarkaana ay curyaaminayaan wadashaqeynta u dhaxaysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Farmaajo ayaa ku baaqay in la soo celiyo hab-maamuuska dastuuriga ah ee lagu soo doortay labo jeer Xasan Sheekh iyo in la ixtiraamo hanaanka hufan ee doorashooyinka si loo xaqiijiyo xasilooni siyaasadeed iyo horumar waara.

Hadalkan ayaa imaanaya xili Farmaajo dalka ka maqan yahay oo uusan kamid ahayn mucaaradka ku shiraya Mqdisho, kuwaasoo Maanta la kulmao wakiilada Beesha caalamka, oo usoo bandhigyeen tabashadooda ku aadan nidaamka doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM