FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Image

WASHINGTON — Hay’adda Dembi-baarista Federaalka Mareykanka ee (FBI) ayaa ku dhawaaqday in liiska rasmiga ah ee khamaaslaayda ugu doon-doonista Badan dalkaas (Most Wanted Fraudsters) lagu daray nin u dhashay dalka Soomaaliya, kaas oo loo heysto eedaymo la xiriira khayaano maaliyadeed.

Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto. Fahad Nuur, oo ah muwaadin dhalashada Mareykanka qaatay balse ku dhashay dalka Soomaaliya, ayaa bishii Sebtembar ee sannadkii 2022 lagu soo eedeeyay inuu barnaamijka federaalka ee nafaqaynta carruurta ka xaday lacag dhan $5 milyan oo dollar.

Sida ku cad xaashida eedaysanaha, Fahad Nuur ayaa magaalada Minneapolis ka furay ganacsi, kaas oo ku sheegay inuu cunto siinayo carruurta danyarta ah si uu u helo malaayiin dollar oo ka mid ah lacagaha federaalka ee nafaqaynta. Ganacsigan ayaa waxaa kafaala-qaaday hay'adda "Feeding Our Future", oo ah hay'addii caanka ahayd ee ka dambaysay khayaanadii ugu weynayd ee dhacday xilligii xanuunka COVID-19.

Xeer-ilaaliyayaasha federaalka ayaa sheegay in Nuur uu soo gudbiyay xog-guri, liisas magacyo ah, iyo qaansheegto (invoices) been abuur ah si uu lacagahaas federaalka ah u qaato. Eedaynta ayaa intaas ku dartay in lacagaha la siiyay Nuur iyo xubnaha kale ee la eedeysan ay "si weyn" uga badnaayeen hantidii dhabta ahayd ee la rabay in lagu bixiyo cuntada ay bixiyeen.

Agaasime Patel ayaa tilmaamay in dadaallada FBI-du ay ku baareyso xatooyada hantida dadweynaha ay ilaa iyo hadda ku guuleysteen in lagu soo qabto labo eedeysane oo laga soo xiray dalalka Soomaaliya iyo Filibiin toddobaadyadii la soo dhaafay. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu xaqiijiyay in hay’addu ay daaha ka rogtay khayaano maaliyadeed oo dhan $13 bilyan oo dollar oo laga dhacay dadka Mareykanka ah.

Dhinaca kale, FBI-da ayaa ballanqaadday abaal-marin lacageed oo gaaraysa ilaa $150,000 oo dollar ciddii keenta xog horseedi karta in la soo qabto eedeysanaha. Hay'adda ayaa rumeysan in Fahad Maxamed Nuur uu xilligan ku dhuumaaleysanayo gudaha dalka Soomaaliya.

Fahad Nuur ayaa hadda wajahaya dhowr eedaymo dambi oo iskugu jira; isku-duba-ridka iyo dhaqashada lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering) iyo khayaanada dhanka isgaarsiinta ah (Wire Fraud).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM