Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Image

BARIIRE, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa Jimcihii ku eedeeyay quwado shisheeye oo aan la magacaabin in ay si toos ah u taageerayaan Al-Shabaab, isaga oo sheegay in ujeeddadoodu tahay in ay dalka Soomaaliya qabsadaan oo ay xasilloonida burburiyaan.

Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen magaaladaas muhiimka ah. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka hortagtay qorshe uu ku tilmaamay mid ay taageerayaan quwado shisheeye oo lagu doonayay in lagu xoojiyo kooxaha xagjirka ah ee ka dagaallama gudaha dalka.

“Waxaan si cad u ognahay in dowlado shisheeye ay taageerayaan Al-Shabaab si ay dalka u qabsadaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. 

Wasiirka ma uusan shaacin magacyada dalalka uu eedeynta u jeediyay, hase yeeshee hadalladiisu waxay imaanayaan iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay jirto xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo xulafo la ah dowladda Iiraan.

Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay sidii loo joojin lahaa faragelinta shisheeye iyo maalgelinta argagixisada, isagoo guulaha militari ee dhawaan la gaaray ku tilmaamay “guul weyn oo lagu difaacayo madaxbannaanida dalka.”

Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo si dadban ama si toos ah u taageerta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida mustaqbalka.

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay la kulantay weerarro joogto ah oo uga imaanayay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM