Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Image

MUQDISHO, June 13 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u difaacday garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan, kaddib eedeymo la xiriira argagixiso oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiin Maraykan ah, iyadoo ku adkaysatay inuusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u xaqiijinayso in Cumar Cartan aanu ku lug lahayn Al-Shabaab ama koox kale oo argagixiso.

“Dowladda Soomaaliya waxay caddeynaysaa in aanu Cumar Cartan wax shaqo ah ku lahayn argagixisada. Dowladda Maraykanka iyadaa ceeb isu filan in qof safaaraddeedu dal-ku-gal siisay haddana lagu eedeeyo argagixiso oo dib loo soo celiyo,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Federaalka aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaysa in Cumar Cartan uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah, isagoo xusay in arrintan ay tahay kiis gaar ah oo aan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka labada dal.

“Waxaan markale xaqiijinaynaa in Cumar Cartan aanu wax lug ah ku lahayn kooxaha argagixisada. Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka,” ayuu yiri.

Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay qiimeyn weyn u hayso taageerada uu Maraykanku siiyo dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

“Maraykanku waa dal weyn oo Soomaaliya garab taagan, door muhiim ahna ka qaata taageerada ciidamada iyo horumarka dalka. Xiriirka labada dal waa mid wanaagsan, mana jirto arrin gaar ah oo dhaawici karta iskaashiga soo jireenka ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadallada wasiirka ayaa imanaya xilli dood iyo hadal-heyn xooggan ay ka dhalatay xaaladda Cumar Cartan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkaysanayso in eedeymaha loo jeediyay aysan sal iyo raad ku lahayn xaqiiqada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM