Fiqi oo ka hadlay doorka Turkiga ee heshiisiinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay dhexdhexaadinta ay wado Ankara.

ANKARA, Turkey - Soomaaliya ayaa bogaadisay taageerada muhiimka ah ee Turkigu uu ka geysanayo in uu wadahadal nabadeed la yeesho dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya iyo ka caawinta dagaalka ay kula jirto argagixisada Geeska Afrika.

"Labo wareeg oo wadahadal ah ayaa noo socday, waxaana filaynaa wareeg saddexaad, markaas, waxaa furmay albaab rajo ah oo lagu heshiinayo, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo u warramayay TRT World.

Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa Khamiistii lasoo dhaafay ka furmaya shirweynaha 79-aad ee Qaramada Midoobay.

Xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah ee Afrika ayaa weli taagan tan iyo markii maamulka Somaliland ee gooni-isu-taagga ah uu heshiis buuq dhaliyay la galay Itoobiya.

Dhowr bilood ka dib, Itoobiya waxay ogolaatay inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan oo ay ku beddesho marinka badda, baahida muhiimka ah ee ka dhalatay marin-u-helidda xeebaha ka dib xorriyadda Ereteriya 1993-kii.

Tan iyo bishii May, Turkiye waxa ay samaysay dadaallo wada jir ah oo ay kula xiriirinayso Itoobiya iyo Soomaaliya si ay nabad uga dhex dhaliyaan labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM