Fiqi oo ku Goodiyey in Ciidanka la Wareegi doono Maamullada Diiddan Dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshe ciidanka xoogga dalku ay kula wareegayaan dhammaan gobolada dalka, isagoo digniin adag u diray hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee ka horyimaada go'aannada dowladda dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado in madaxda maamullada qaarkood ay ka gabsadaan ciidanka qaranka ama ay ku fasiraan imaanshahooda sidii weerar lagu soo qaaday, wuxuuna xaqiijiyay in ciidanku ay tegi doonaan deegaan kasta si la mid ah sidii loogu soo dhoweeyey magaalada Baidoa.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in nidaamka federaalku uusan oggolayn in xuduudo gaar ah la xirto ama la yiraahdo ciidanka dowladda ma soo geli karaan, isagoo ku tilmaamay dambi weyn in hoggaamiye Soomaaliyeed uu ku dhawaaqo inuu xiriirka u jaray dowladdii dhexe.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidamada qaranka ay amar ku qabaan inay xiraan xuduudaha dalka, tallaabana ka qaadaan cid kasta oo caqabad ku ah xasilloonida iyo midnimada qaranka, isagoo ballanqaaday in la soo afjari doono is-mari-waaga ka dhashay maamullada diiddan hannaanka dowladda.

Hadalkiisa ayaa kusoo aaday todobaadyo kadib markii dowladda duulaan ku qaadey Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xukunka ka tuurtay Lafta-Gareen, oo kahor yimid qorshaha doorashadda Xasan Sheekh, ee qof iyo codka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM