Fiqi oo Wadahadal la yeeshay Taher Al-Baour

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Midnimada Qaran (GNU) ee Libya, Taher Al-Baour, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa wadahadal ku yeeshay khadka Taleefonka xili Soomaali badan laga soo celiyay Libya.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in wada-shaqeyn joogto ah iyo wadatashi ka yeeshaan Soomaaliya iyo Libya arrimaha gobolka iyo caalamka.

Taher Al-Baour uu ugu hambalyeeyay Fiqi doorashadii dalkiisa ee xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada 2025-2027, sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Libya ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Labada dhinac ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah si loo gaaro amni, xasillooni iyo horumar, iyo kor u qaadista xiriirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM