Fiqi oo waji gabax kala kulmay hadal uu ku duray Xildhibaano

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si aan toos ahayn ugu baaqay in la laalayo mudaneyaashan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa cirka isku sii shareeraya kala duwaanshaha fikir ee u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed kadib markii Villa Somalia ay heshiis ciidan la gashay dalka Masar, arrintaasoo ay si weyn uga soo horjeesteen shacabka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada ku matala labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ayaa dhowaan diiday mooshin ka dhan ah xildhibaanno badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu eedeeyay iney taageereen shacabka Koonfur Galbeed oo u muujiyay Itoobiya taageero halkii ay ka taageeri lahaayeen heshiiska Masar.

Waxaa la sheegayaa in dacwad ka dhan ah xildhibaanadaas loo gudbiyay xeer ilaalinta dowlada Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Fiqi, ayaa soo qoray: “Quisling waa khaa’inul waddan kii ugu caansanaa, wuxuu gacan ka geystay in Naaziyintii Jarmalku ay Norway qabsadaan. Quisling waa la xiray, la maxkamadeeyay, dabadeedna waa la toogtay 1945. Ilma Quisling-ka Somalia sharciga kama weyna.”

Senator-ka Koonfur Galbeed, Xuseen Maxamed Daahir, ayaa ku jawaabay: “Ma aqaan in dagaalyahan qabiiliiste ah laga dhigo wasiir. Maanta Itoobiya waa walaalaheen, waan soo dhaweynaynaa. Tabartii aad howshaas ku fulin leheydna waan sugaynaa. Block isaar ama ha isaarin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM