Fiqi oo waji gabax kala kulmay hadal uu ku duray Xildhibaano

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si aan toos ahayn ugu baaqay in la laalayo mudaneyaashan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa cirka isku sii shareeraya kala duwaanshaha fikir ee u dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed kadib markii Villa Somalia ay heshiis ciidan la gashay dalka Masar, arrintaasoo ay si weyn uga soo horjeesteen shacabka Koonfur Galbeed iyo xildhibaanada ku matala labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ayaa dhowaan diiday mooshin ka dhan ah xildhibaanno badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu eedeeyay iney taageereen shacabka Koonfur Galbeed oo u muujiyay Itoobiya taageero halkii ay ka taageeri lahaayeen heshiiska Masar.

Waxaa la sheegayaa in dacwad ka dhan ah xildhibaanadaas loo gudbiyay xeer ilaalinta dowlada Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Fiqi, ayaa soo qoray: “Quisling waa khaa’inul waddan kii ugu caansanaa, wuxuu gacan ka geystay in Naaziyintii Jarmalku ay Norway qabsadaan. Quisling waa la xiray, la maxkamadeeyay, dabadeedna waa la toogtay 1945. Ilma Quisling-ka Somalia sharciga kama weyna.”

Senator-ka Koonfur Galbeed, Xuseen Maxamed Daahir, ayaa ku jawaabay: “Ma aqaan in dagaalyahan qabiiliiste ah laga dhigo wasiir. Maanta Itoobiya waa walaalaheen, waan soo dhaweynaynaa. Tabartii aad howshaas ku fulin leheydna waan sugaynaa. Block isaar ama ha isaarin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM