Fiqi oo Xildhibaanada u diray baaq ku aadan xulista hogaanka

Image
Agaasimihii hore ee NISA ayaa u sheegay Garowe Online "Xildhibaanada gacantooda waxaa ku jira halkii uu dalka aadi lahaa".

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Macalin Fiqi wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa ku taliyay in "Doorashadda guddoonka baarlamaanka aan lagu saleyn kan madaxweynahayga jecel-yahay iyo kanaa la isoo dhiibay".

Fiqi ayaa sheegay in xildhibaanada laba aqal ay saarantahay masuuliyad wayn oo ka bilaabatay saacadii ay u dhaarteen dalka, dadka, diinta iyo shuruucda kale ee dalka oo khatar gashay 5 sano ee uu xafiiska joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Xildhibaanada gacantooda waxaa ku jira halkii uu dalka aadi lahaa, waxaana ugu horeeya cida ay u dooranayaan guddoonka labada gole ee Baarlamaanka” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi ayaa xildhibaanada laba aqal ka dalbaday in ay doortaan gudoon iyaga oo ku kala xulanaya aqoontooda, kartidooda iyo sida ay u dhowrayaan shuruucda dalka u taalla.

“Gudoonka doorashadiisu uma baahna Caadifad hebel aa la iisoo dhiibay, kanaa madaxweynahaygu isoo dhiibay ama kanaa is xignaa kuma xirna umad Soomaaliyeed ayuu hoggaaminaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in xildhibaanada looga fadhiyo in ay doortaan madaxweyne dalkaan samata bixin kara iyaga oo fiirinaya xaaladii uu dalku soo maray 5 sano ee la soo dhaafay oo uu dalka ku jiray “ amni dorasho, dhaqaalo xumo, dowlad xumo, kaligii talisnimo, kaligoynta dalka”.

Baarlamaanka Soomaaliya oo khamiistii la dhaariyay ayaa maanta oo sabti ah yeellanaya kulankoodii ugu horeeyay si ay uga arrinsado howlaha culus ee horyaalla.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaa sheegay in howlaha horyaalla Baarlamaanka ay sii guda-galayaan sida diyaarinta doorashada Guddoonka rasmiga ah.

Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad ayaa sheegay in waqti badan uu ka lumay waddanka balse mar haddii la dhaariyay Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee JFS rejadu ay tahay mid wanaagsan.

Wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee laga gaaray in la fadhiisiyo Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya oo xubnaha labada Gole la dhaariyay 14kii April 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM

Xasan Sheekh oo shaaciyay in Soomaaliya ay dhowaan lasoo baxeyso Gaas

Madaxweynaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 05:26AM