Fiqi: Qoorqoor wuxuu rabaa in uu Galmudug ku wareejiyo Al-Shabaab

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay madasha dooda ee warsidaha Garowe Online ee mareegga Twitter-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee amniga Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "nidaamka Farmaajo iyo dadka daacadda u ah sida Qoor Qoor ay ka mideysan yihiin mabda’ ah in ay dalka ku wareejiyaan Al-Shabaab".

Fiqi oo soo noqday Taliyaha NISA, ayaa sheegay in Al Shabaab labadii sano ee la soo dhaafay ay culays xooggan soo saareen deegaanada maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Siyaasigaan oo sheegay in dadka deegaanka iyo ciidanka Galmudug iska difaaceen ayaa cadeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug shaqadii loo igmaday mid ka duwan uu ku howlanyahay taas oo keentay in Al Shabaab isku balaariyaan deegaano hor leh.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Qoor Qoor uu deegaanadii horta ahaa Al Shabaab ka qabsadeen sida deegaanada dhaca wadada dheer ee isku xirta degmooyooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug.

“Al Shabaab meesha kaliya ee ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan waa Galmudug, waxa ay gaareen dhul aysan walligood tagin oo ka caaganaa iyaga oo ka faa’iidaysanaya maamul xumada Qoor Qoor” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Al Shabaab iyo Nidaamka Farmaajo

Hoggaamiyaha Galmudug oo hada ku sugan Baydhabo ayuu ku eedeeyay in uu Abaabulayo dagaal uu ku qaado xoogga Ahlusunna oo saldhig ciidan ku leh deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb badalkii uu Al Shabaab la dagaalami lahaa sida uu hadalka u dhigay.

“Ninkii Ogayga haa (QoorQoor) waxa uu u soo qalab qaatay in uu weeraro AhluSunna oo wada hadal looga saaray Guriceel hadana diyaar u ah in ay dhanka Al Shabaab u jeestaan” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Kooxda Farmaajo iyo maamuladda daacada u ah ay Al Shabaab ku wareejiyeen deegaano nabad ah badalkii ay dagaal toos la gali lahaayeen.

“Nidaamka Farmaajo iyo dadka daacada u ah oo uu Qoor Qoor ka midyahay waxaad moodaa in ay haystay hal amar oo ah in dadka iyo deegaanka ay hayaan oo ay ku fashilmaan maamulkooda intii ay cid kale si nabad galyo ah cid kale ugu wareeji lahaayeen in ay Al Shabaab ku wareejiyaan” ayuu ku dooday Fiqi inkastoo uusan soo bandhigin cadaymo xoojinaya sheegashadiisa.

Waxa uu hadalkiisa ku daray “Hada Xamarna waa ka muuqataa waa iyga soo soo galay Dharkinlay oo iska qaatay gaadiidkii Booliska ka dibna inta latagay Shabeellaha hoose isku soo sawiray”.

Fiqi ayaa sheegay in Al Shabaab sidaan oo kale u weerareen degmooyinka Huruwaa, Dayniile iyo Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho taasina ay ku tusinayso sida Al Shabaab loo siiyay fursad ay kaligeed weerar ku qaado badalkii iyada la beegsa lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM