Fiqi: Waa u ogolaanay Itoobiya badda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi ayaa isagoo ku sugan Masar ku dhawaaqay inay dowladda Federaalka Itoobiya u ogolaatay marinka badda cas kadib heshiiskii Ankara ka dhacay 11-kii bishan.

Isagoo la hadlayay TV maxali ah, ayuu yiri wasiirka: “Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,”.

Wuxuu kaloo sheegay in Itoobiya aysan dano ka baxsan inta loo ogol yahay ka sameyn karin badda Soomaaliya, sida inay saldhig Ciidan ka dhisato, ama arrimo kale oo militeri inay ka fuliso. Tani waxay imaanaysaa xili Masar ayaa diidan tahay in Itoobiya gaarto Badda Cas, taasoo siinaysa saameyn dhaqaale iyo mid diblomaasi.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay inay dhisanayso Ciidan badeed, oo saldhig lahayn, balse Abiy Axmed uu sheegay inay xoog ama xeelad ku raadinayaan bad ay leeyihiin. Lama oga halka dowladda Soomaaliya badda ka siinayso Itoobiya.

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Addis Ababa oo arrimaha badda iyo heshiiska kala hadlaya madaxda Itoobiya, waxaana muuqatada inuu isbedelay go'aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadanaa arinta badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM