Baaritaan lagu sameynayo eedeymaha Qadar ee qaraxii Boosaaso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo kamid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay warbixintii wargeyska New York Times.

Qormadaasi ayaa ku eedeysay dowladda Qadar in ay ka dambeysay qarax ka dhacay magaaladda Boosaaso, wallow xukuumada Dooxa ay iska fogeysayna, ayna raacday dowladda federaalka ah.

Fiqi, oo ka tirsan guddiga difaaca Aqalka Hoose, ayaa sheegay in ay walaac ku abuurtay warbixinta, maadaama ay soo kordhayaan weerarada khaarijinta ah ee ka dhacaya caasimadda.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in ay waajibaadkooda ka gudan doonan maqaalkaasi, isla markaana ay baaritaano dhab ah ku sameyn doonan "si ay u xaqiijiyeen xaqiiqada".

Warbixinta oo lagu soo xigtay ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qadar oo ay telefoonka kuwada hadleen danjiraha Dooxa ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in talaabadaasi loo qaadey si loo wiiqo danaha Imaaraadka.

"Waa arrin walwalkeeda leh in safiirkii Qadar la yiraahdo wuxuu ku lug-leeyahay shirqoolo iyo qaraxyo ka dhacaya Muqdisho, iyadda oo aan ognahay waxa magaaladan ka dhacaya," ayuu ka sheegay shir jaraa'id.

Qaraxaasi oo ka dhacay banaanka Maxkamadda Xarunta Gobolka Bari bishii lasoo dhaafay ee May ayna sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad Sideed ruux.

"Layli ahaan baan u qaadan doonan warbixinta, baaritaan in aan gelino sax ah, warbixin sax ahna kasoo saarno, isha warkaasi haduu sax noqdana ay shacabka Soomaaliyeed ka qaatan talaabada ku haboon," ayuu xusay.

Baaritaanka kadib ayuu cod dheer ku qeexay in ay u gudbin doonan baarlamaanka federaalka ah, kaasi oo kadib go’aan kasoo saari doona. "Arrintan ma ahan mid indhaha laga fiirsan karno, walwal badan ayey nagu haysaa".

Hadalka sharcidejiyaha ayaa imaanaya iyadda oo dowladda Puntland ay codsatay in la baaro xaqiiqada warbixintaasi, inkasta oo xukuumadda federaalka ah ay ka gaabsatay in ay caddeyso mowqifkeeda dalabkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM