Firdhiye oo Muqdisho ku wajahan

Image

LAASCAANO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali"Firdhiye" ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa Casuumaada u fidiyay ra'iisul wasaare, Xamse Cabdi Barre.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa u muuqda mid xiriir wanaagsan la yeelanaya dowlada federaalka Soomaaliya.

Golaha sare ee dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa horey u tagay Muqdisho iyaga oo wada-Hadalo la yeeshay hogaanka dowlada federaalka Soomaaliya

Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa aad ugu hamuun qaba horumarka iyo Adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib u dhismaha kaabayaasha ay colaadu saamaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM