Fowzia xaaji oo iska fogeysay eedeynta QM

Image

Kadib markii kooxda QM u qaabilsan cunaqabateynta saaran dalka Somalia ay eedeyn culus dusha uga tuureen Madaxweynaha dowlada Federaalka ah iyo xafiiskiisa, Wasiiradii hore ee arrimaha dibada Somalia Fawzia Yusuf  iyo shirkad wadanka Mareykanka laga leeyahay iney qorsheynayeen sidii loo dhunsan lahaa hantida wadanka Halkan ka akhri ayaa waxaa ka jawaabey xubin ka tirsan xukuumadii hore ee Ra'isal wasaare Saacid.

Fowzia Yusuf Xaaji Aadan oo ahaan jirtey wasiirkii hore ee arrimaha dibada ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabatey maalintii shaley 17 July, 2014 Muqdishu ayey iskaga fogaysay eedahaasi iyadoo ku tilmaantey kuwa magaceeda lagaga dilayo.

Dhinaca kale waxay sheegetey iney kamid aheyd dadkii keeney gudoomiyihiii hore ee banagiga dhexe oo is-casiley yusur Abaraar.

Fowsiya ayaa tilmaamtay inay dacwad kusoo oogi doonta madaxa kooxdan eegaya cuno-qabaynta Soomaaliya iyo Elatariya QM saartay waxayna muujisay in dano gaar ah falkan laga lee yahay

GAROWE ONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM