Francisco Madeira: Diinta Islaamka waa mid wanaagsan oo nabad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu aad u ammaanay Diinta suuban ee Islaamka, isaga oo ku eedeeyay Al-Shabaab in ay "marin-habaabineyso".

Francisco Madeira oo u muuqda mid difaacaya in ciidamo shisheeye loosoo daabulay Soomaaliya si ay uga adkaadan dagaalameyaashan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ku tilmaamay mid dharbaaxo ku ah.

"Al-Shabaab waxay adeegsadan xeelado dagaal oo jabhadeyn ah si ay u gaaran hadafkooda balse ma hor-imaan karaa ciidamada. Waxay isku haleeyaan gaadmo iyo is-qarin," ayuu yiri Madeira.

Wallow ciidamadda AMISOM ay guulo ay kamid tahay xorreynta magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay gaareen, haddana waxaa lagu dhaleeceeyaa in aysan gacanta ku dhigo dalka oo dil.

"Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam, oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah," ayuu hadalkiisa ku daray Madeira oo wareysi siiyay The Star-Kenya.

Madeira, diblumaasi 65-sano jir ah una dhashay Mozambique, dal dhaca bariga qaaradda Afrika, ayaa sidoo kale wuxuu yahay ergayga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

"Ciidamadda Kenya oo wajahaya cadow waxay ku socdaan waddo guul ah," ayuu xusay, isaga oo aanan waxba laga waydiinin tacadiyadda joogtada ah oo ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Xoogaga AMISOM oo gudaha Soomaaliya ka howlgalaya in ka badan tobban sano ayaa waxaa dalalka ciidamadda lugta ah ku taageeray ay kala yihiin; Jabuuti, Burundi, Uganda, Itoobiya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM