Fulinta canshuurta VAT oo la iclaamiyay xilli ay jirto caro shacab

Image
Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo aysan wali isfaham dhameystiran gaarin Dawladda iyo Ganacsatada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xalay is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.

Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxeyna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadwaynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka.

Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaadday xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dawladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM