Fulinta jadwalka doorashada madaxweynaha oo bilaabanaysa

Image
Guddiga ayaa diyaariyay goobta lagu diiwaangelinayo musharixiinta si loo hubiyo shuruudaha horyaalla musharaxa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah billaabaya Diiwaangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha u taagan si musharixii qaata aqoonsiga rasmiga ah uga qaybgalo Doorashada dhaceysa 15-ka May 2022.

Musharixiinta ayaa dhankooda wada abaabul xooggan oo ay ku raadinayaan saxiixa xildhibaanada maadaama qofka musharaxa ah laga doonayo in uu buuxiyo Xaanshi ay ku xusan yihiin magacyada, aqoonsiyada iyo Saxiixa 20 xubnood labada Gole Baarlamaanka katirsan.

Guddiga ayaa diyaariyay goobta lagu diiwaangelinayo musharixiinta si loo hubiyo shuruudaha horyaalla Musharaxa kahor in uusan qaadan shahaadada muujineysa in uu u gudbay isu diyaarinta hadal jeedinta iyo doorashada Madaxweynaha.

Sida ku xusan jadwalka doorashada, 8 illaa 10-ka bisha ayaa la filaya in ay guddiga doorashada madaxweynaha ay musharixiinta soo dhameystirta shuruudaha laga rabo ay siiyaan shahaadooyinkooda.

Haddii qodobkan maanta la dhaqan-geliyo waxay ka dhigan tahay in fulinta jadwalka ay si rasmi ah u bilaabatay isla markaana ay xigi doonto hadal-jeedinta musharaxiinta madaxwayne.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa qorsheeyay in 11ka iyo 12ka May 2022 uu hadal jeedin siiyo Musharixiinta si Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee dowladda Soomaaliya u dhageysto khudbadaha xubnaha xildoonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM